Uncategorized

Xildhibaan Fiqi oo Cambaareeyay Weerarka xalay lagu qaaday siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur

Muqdisho-kNN-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa uu ka hadlay weerarka lagu qaaday siyaasiga Craxmaan C/Shakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa aad u cambaareeyay weerarka oo uu sheegay in ay si barer ah u qaadeen ciidanka dowlada Somalia, taasina ay tahay mid ka hor imaanaysa dimuqraadiyada sida uu sheegay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu sheegay in weerarka lagu qaaday Siyaasiga ay la xirriirto labada xildhibaan ee  shalay xeer ilaaliyaha Qaranka dalbaday In Xasaanada laga qaado.

Sidoo kale Xildhibaanka  Waxaa uu ku eedeeyay madaxda sare ee dalka in ay Wadaan Kali talisnimo sida uu sheegay.