Uncategorized

Xildhibaan hore oo ku dhintay Dalka Canada.

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee Cawad Axmed Cashara oo ahaa Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Dalka Canada sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Eheladiisa.

Marxuumka ayaa ku noolaa Dalka Canada sanadihii dambe waxaana la sheegay in uu u dhintay xanuuno soo wajahay.

Cawad Axmed Cashara Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa Baarlamaanka Dowladdii KMG ahayd Xiligii Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed.

Sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Maamulka Puntland,waxaanna markii ugu horreysay uu ka noqday Wasiirka warfaafinta Maamulkaas.