Somali News

Xildhibaan hore uga tirsana Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dabley hubeysan oo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay Xildhibaan Xildhibaan hore Ibraahim Salaax Deyfullah oo ka tirsana Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in rag bastoolad ku hubeysan ay Xildhibaanka Rasaas ku fureen xilli uu ka soo baxay masjid u dhow xaafaddiisa oo ku taalla degmada Wadajir.

Ragii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaarey Ciidamada Ammaanka, iyaga oo sameeyay howgallo.

Xildhibaan hore Ibraahim Salaax Deyfullah oo ka tirsana Baarlamaanka 9-aad Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.