Somali News

Xildhibaan Jeesow oo dhaliilay xulka Sharciyada la hor geeyo Golaha Shacabka

Muqdisho-KNN-Kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta yeesheen ayaa Akhrinta koowaad lagu marsiiyey Sharciga Xamuulka oo Arbacadii  loo qeybiyey Xildhibaanada.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka hadlay Sharciga la horgeeyey Golaha Shacabka ayaa sheegay in xiligaan uusan wax macno ah dalka ugu fadhin sharciga Xamuulka iyo Wadooyinka, maadaama sida uu sheegay dowladdu ay ku egtahay Muqdisho oo kaliya, wadooyinka la iskaga kala goosho gobolada dalkana ay ku suganyihiin Al-Shabaab.

Waxa uu carabka ku adkeeyey in ay jiraan Sharciyo badan oo dalka muhiim u ah, kuwaas oo loo baahanyahay in la hor keeno Golaha Shacabka si loo meelmariyo, isagoo guddoonka kula taliyey in Sharciyada la hor keenayo Golaha loo soo kala hormariyo sida ay u kala muhiimsanyihiin si markii la ansixiyo loogu dhaqaaqo fulintooda.

Hoos ka dhageyso Codka Xil Jeesow:-