Somali News

Xildhibaan ka digay in gaadiidkii lagu qabsaday Ceel-Saliini lagu soo weeraro Muqdisho

 Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii shalay subax ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini oo hoos taga degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xlidhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladdu aysan wali ka hadlin weerarkii jabka intaas la’eg loogu geystay ciidanka qaranka oo sida uu sheegay lagu dayacay furimaha dagaalka.

Maxamed Idiriis ayaa sheegay in wax laga wal-walo ay tahay in gaadiid iyo hub intaas la’eg oo ay ku boofsantahay astaantii ciidanka qaranka uu gacanta u galo dagaalamayaasha Al-Shabaab, taas oo fududeyn karta sida uu sheegay in ay weerarro kale uga geystaan meelaha kale ee dowladdu ay ku xooggantahay sida magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waabirigii hore ee shalay weerar ku qaaday saldhigga deegaanka Ceel-Saliini, xilligaas oo sida la sheegay aysan foojigneyn ciidamadii ku sugnaa saldhiga, waxayna Al-Shabaab war ay kasoo saareen ku sheegteen in weerarkaas ay ku dileen in ka badan 20 askari oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka, sidoo kalana ay ku furteen gadiid dagaal, waxeyna soo ban dhigeen sawirada gaadiidkaas iyo askari ay nolosha ku qabteen.

Halkaan ka dhageyso codka Xildhibaanka:-