Somali News

Xildhibaan ka mid noqonaya Golaha shacabka oo maanta lagu doortay Baydhabo

Baydhabo-KNN-Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay ayaa maanta  waxaa ka dhacay doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka  ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sida uu qorsha ahaa waxaa la filayay in ay u tartamaan doorashada Musharixiinta kala ah.

Isaaq Khaliif Sheekh

C/qadir Shekh Maxamed Nuur

Xasan Macallim Ibraahim

C/laahi Sheekh Maxamed

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in goobta ay doorashada ka dhacaysay uu ku sugnaa oo kaliya C/laahi Shekh Maxamed, isagoona doorashada ku guuleystay.

Tirin ay sameeyeen Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Cabdullahi Sheekh Maxamed uu helay  35 cod, halka Isaaq Khalif Duurey  uu helay 4 cod, iyadoona  Cabdiqadir Sheekh uu helay 2 cod.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa  Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in doorashada maanta uu ku guuleystay Cabdullaahi Sheekh Maxamed.

Kursiga doorashaddiisa ay ka dhacday  Magaalada Baydhabo ayaa horay waxaa uga geeriyooday Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere .