Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim “Qoone” ayaa si kulul uga hadlay dooda ka dhalatay Ciidamo cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar islamarkaana ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaas oo dhowaan odayaasha gobalka diideen in loo diro Galgaduud.
Xildhibaan Qoone, ayaa sheegay in ay qalad weyn tahay in Ciidamo Arradan, islamarkaana aan hubeesneen una badan carruur sida odayaasha sheegeen in Dowladda Soomaaliya u dirto goobo dagaal, asagoo ka dalbaday Xukuumadda Soomaaliya dhagaysto baaqa odayaasha.
“Hiiraan, isagaa u baahan ciidan iyo taageero ee ma’ahan in ciidan laga qaado sababtoo ah Beladweyne meel u jirta 3 km waxaa u jooga Al-shabaab” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho.
“Xukuumadda malahan dhaga wax-maqla balse waxaan uga digayaa in ay maqli weyso hadalka Ugaas-ka iyo dhaqanka kale, sababtoo ah waxaa ka imaan kara culeesyo kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Qoone oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.