Uncategorized

Xildhibaan ka tirsanay Golaha Shacabka oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho-KNN-Allaha unaxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Khaliif C/llaahi Dheere oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Khaliif ayaa maalmihii ugu dambeeyay xanuunsanayay wuxuuna xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Allaha unaxariistee xildhibaanka geeriyooday ayaa wuxuu ka mid ahaa mudanayaashii laga soo doortay maamulka Koofur Galbeed, waxana maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.