Uncategorized

Xildhibaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa xalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabaa C/Xakiin Macalim Daahir waxaana sidoo kale lala dilay Askari la socday.

Wararka ay heshay KNN ayaa sheegaya in Xildhibaanka oo fadhiyey meel Hotel ayaa waxaa rasaas ku furay laba wiil oo Bastoolad ku hubeysan, Xildhibaan C/xakiin ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii lagu furay.

Ciidamada amaanka ayaa sameeyay Baaritaan xoog leh oo lagu soo qab qabtay ku dhawaad 30 dhalinyaro ah.