Uncategorized

Xildhibaan lagu xiray magaalada Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Ciidamo ka Amar qaata madaxtooyadda Jubba-land ayaa Xiray Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan “Axmed Taajir” oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, islamarkaana maalintii shalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Maamulkaas ay sheegeen in xasaanadda ay ka qaadeyn.

Xildhibaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Kismaayo ayaa ka hor yimid xasaanad kala noqosho lagu sameeyay maalintii shalay aheyd,wuxuuna sheegay in uu wali kamid yahay Baarlamaanka Jubba-land.

Intaas kadib Ciidamo ka Amar qaata madaxtooyadda Jubba-land ayaa weerar ku qaaday hoteel uu xildhibaanka daganaa oo ku yaala magaladda Kismaayo,waxaana la sheegay in halkaas ay ka wateen.

Si guud magaalada Kismaayo ayaa kacsan, waxaana maalmihii la soo dhaafay hanjabaad la kulmayay Xildhibaanada Jubbaland kuwaas oo qaarkood khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha.