Uncategorized

Xildhibaan Maareeye “Soomaaliland lama dhihi karo maamul Gabaleed sida maamulada kale “

Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye oo hada ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu dhibsaday Soomaaliland in lala mid dhigo maamulada kale ee ka jira Soomaaliya lacagta looga qoondeeyay Miisaaniyadda Qarankana aysan aheyn wax ay uqalanto.

Xildhibaanka oo ka hor hadlayay fadhiga Golaha shacabka oo ay hor taalo miisaaniyadda sanadka 2018 ayaa sheegay in Soomaaliland aysan aheyn Maamul la mid ah maamulada kale waxa uuna codsaday in aan la oran maamulka Soomaaliland sidoo kale waxa uu sheegay in aan la siin karin 200 oo kun oo ay ka hashay Miisaaniyadda Qaranka ee maamul Gobaleedyada loo qoondeeyay.

“Soomaaliland maahan maamul lamana dhihi karo waa aflagaado lacagta Labada boqol ee loo qoondeeyayna maahan mid ay u qalanto waxaana codsanayaa in aan loogu yeerin magaca maamul Gobaleed sida kuwa kale” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Soomaaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go’day 1991 ayaa wali helin aqoonsi caalami ah waxayna wali ka tirsan tahay Soomaaliya inteeda kale, Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay ku leedahay xubno muhiim ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo mas’uuliyiin kale.

Xildhibaan Maareeye oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta laga soo doortay Soomaaliland lamana oga waxa uu kaga gol leeyahay Arintaan.

Waa markii ugu horeysay ee hadalkaan uu sheego mas’uul Soomaaliland ku matala Siyaasadda Qaranka ee Dowladda dhexe ee Soomaaliya.