Somali News

Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed oo ku guuleystay kursiga Hop-156.

Muqdisho-KNN-Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-156 ee Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Ibraahim isaaq  uu heley isna 10-cod

Sida ay ku dhawaaqeen Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa xumaaday 2-cod.

Xubnaha horey loo doortay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Mursal Maxamuud,Shariif Maxamed Cabdulaahi, iyo xildhibaan Xasan Cabdinuur Cabdi oo hadda ah Wasiirka Tamarta Dowladda Soomaaliya iyo Maxamed Wardheere Cabdi

Hop156 ayaa ahaa kursigii ugu danbeeyay Shan xubnood oo maanta Doorashadooda lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.