Muqdisho-KNN-Xildlhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kahor hadlayay kulanka Golaha ayaa eedeyn kulul u jeediyay Hey,adaha maaliyadeed ee dalka.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Hey’adaha maaliyadda dalka ay ku kacaan musuq maasuq baahsan oo aanan leex leexad ahayn.
Xildhibaan Maxamuud oo sii hadlayey ayaa ku eedeeyey xukuumadda Soomaaliya ay gacanta ku hayso Hanti-dhowrka guud dalka, isagoo sheegay markii ay Xukuumaddu dooneyso iney ku takrifasho hantida qaranka ay ugu suurta gasho si fudud sifda uusheegay Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise.
Buuq badan ayaa ka dhashay fadhiga Golaha intii uu hadlayey Xildhibaaku guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaana ku amaray inuusan ka bixin ajandaha taas oo uu ka dhega adeygay Xildhibaanku waxaana markii dambe dhacday in laga xirto makarafoonka, waxaana intaas kadib xildhibaanka ka codsaday in uu fadhigiisa ku laabto Xildhibaano kale.