Somali News

Xildhibaan Odowaa oo gaaray Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen, Wasiirkii hore ee wasaaradda Arimaha Gudaha, iyo Federaalka ee Soomaaliya, ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug, isagoo kulamo la qaadanayay masuuliyiinta gobolka iyo qeybaha Bulshada Galmudug.

Ujeedada socdaalka Xildibaan Odowaa ayaa salka ku haayo, sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhaxeeya hogaanka maamulka Galmudug, isagoo sheegay inuu kulamo la soo qaatay hogaanka maamulka,uuna soo dhageestay tabashadooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu kulamo la qaadanayo Odayaasha magaalooyinka Gaalkacyo, Cadado, iyo dhuusamareeb, kadibna uu sameyn doono wixii uu ku jiro xalka Galmudug, iyadoo uu rajo ka qabo inuu tanaasul jiri doono.