Somali News

Xildhibaan Sacdiya oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Tartan adag oo ay la gashay xildhibaan Caana nuug ay kaga guuleysatay, kadib wareegii ugu dambeeyay ee tartanka doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo ay wareegga saddexaad ku tartameen xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuuga ayaa heshay 137 cod halka xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuug oo helay 107 cod.

Waa haweynaydii ugu horeysay ee noqota guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka inta la xasuusta taariikhda.

Xildhibaan Sacdiya ayaa lagu soo doortay deegaanada Puntland.