Uncategorized

Xildhibaanada Aqalka Sare oo Maanta Dood ka yeelan doona Khilaafka Dowladda iyo Maamul Gobolleedyada

Muqdisho–KNN– Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa Maanta Kulan ka yeelan doona sida uu Qorshuhu yahay Khilaafka Xoogan ee u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada ee Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe.

Kulanka Maanta waxaa Shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi,waxaana looga doodi doonaa Khilaafka ka dhex Aloosan Dowladda Federaalka iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada iyo sidii Khilaafkaas meesha looga saari lahaa sida ay KNN u sheegeen Sanataro ka tirsan Aqalka Sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa Madaxda Maamul Gobolleedyada isugu yeeray 28-ka Bishaan in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho si Khilaafka jira loo Xaliyo.