Uncategorized

Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya go’aanka Xukuumadda ee Qalbi Dhagax.

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay maanta ka doodaan go’aanka ay Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi Dhagax”.

Xubno Ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in kulankooda dhacayo Islamarkaana ay go’aan ka soo saari doonaan sida ay Xubnahu la tahay iyo Waxa ay ka aaminsan yihiin “Qalbi Dhagax”.

C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi Dhagax”  oo ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowladda Ethiopia ayaa muran badan ka dhax dhaliyay Hay’adaha Dowladda, gaar ahaan Xildhibaanada Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo Hay’adda fulinta ee Ra’iisal Wasaare Kheyrre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ku kala qeybsan go’aanka Xukuumadda Kheyrre ee Qalbi Dhagax ayaa Sabtidii la soo dhaafay kulankii ay ka yeelan lahaayeen Arinta Qalbi dhagax u baaqday Kooram la’aan.

Dad badan ayaa dhowraya natiijada kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare ee Maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho.