Somali News

Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdiho

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay fariimo loo diray waxaana  lagu war geliyay in Maanta oo Axada ah, 05.05.2019, Saacada 9:00 am oo subaxnimo in ay soo xaadiraan Xarunta Aqalka Sare.

 Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan Kulankoodii 4 aad,  Kalfadhiga 5aad Ee  Golaha Aqalka Sare.

Kulanka ay maanta yeelanayaan Xildhibaanada Aqalka Sare ayaan wali la ogeyn Ajendihiisa, maadaama aan lagu shaacin fariimaha xalay loo diray xubnaha Aqalka Sare.