Somali News

Xildhibaanada cusub ee HirShabeelle oo maanta la dhaarinayo

Jowhar-KNN-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in maanta la dhaarinayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaas.

Baarlamaaanka  labaad ee Hir-Shabeelle  ayaa dhawaan Jowhar looga dhawaaqay liiskooda, intooda badana waa wajiyo cusub, halka tiro yar oo kooban ay ka soo laabteen baarlamaankii hore.

Waxaa ka mid ah mudanayaasha kuraastoodii waayay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

5-ta bisha November ayaa lagu waddaa in la doorto guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada.

Guud ahaan marka la eego dhismaha labaad ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka taagan dood siyaasadeed oo salka ku heysa awood qeybsiga uu ku dhisan yahay maamulka oo wax ka badal lagu sameynayo.