Somali News

Xildhibaanada Cusub ee Puntland oo Gudoomiye KMG ah doortay.

Garoowe-KNN-Xildhibaanada Cusub eee Barlamaanka maaamulka Puntland ayaa maanta guddoomiye kumeel gaar ah u doortay xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye, kaasi oo loo xushay inuu yahay ninka ugu da’ada weyn baarlamaanka.

Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee labadii baarlamaan ee  ugu dambeysay.

Barlamaanka ayaa laga sugayaa  inuu isla maanta qaban qaabiyo dhisida guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenka oo doorashadoodu ku beegan tahay afarta bisha koowaad ee sanadkan.

Xildhibaanada u sharaxan guddoomiyaha barlamaanka ayaa maanta qaar kamid ah ku dhawaaqaya musharaxnimadooda.

8 bishan ayaa la filayaa in Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland ay ka dhacdo Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.