Somali News

Xildhibaanada Cusub ee Puntland oo Maanta la dhaariyay.

Garoowe-KNN-Maxkamada sare Maamulka Puntland ayaa Daqiiqado ka hor waxaa ay xarunta Golaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ay ku dhaarisay Xubnaha ka mid ah Baarlamaanka Maamulkaasi.

Marka la dhaariyay kadib ayaa waxaa loo qeybiyay aqoonsiga cadaynaya xubinimada Barlamaanka Maamulka Puntland.

 Ammaanka xarunta Barlamaanka Maamulka Puntland  ayaa aad loo adkeeyay iyadoo gabi ahaanba la xiray wadooyinka soo gala xaruntaasi.

Labo maalin kadib ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada  ay doortaan Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland.