Somali News

Xildhibaanada Galmudug oo ka Doodaya Mooshinka Gudoomiye Cali Gacal

Dhuusa Mareeb-KNN-Waxaa Weli magaalada Dhuusa Mareeb ka soconaya shirka Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug,iyadoona kulanka ay maanta soo xaadireen xildhibaano tiradooda gaaraysa 137 xubnood.

Xildhibaanada ayaa hada ka doodaya mooshinka ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir

Saacadaha Soo aadan ayaa la filayaa in ay go’aano  soo saaraan Xildhibaanada baarlamaanka galmudug ee Kulanka ku leh magaalada Dhuusa Mareeb.

Shalay ayay aheyd markii xildhibaano gaaraya 89 mudane ay mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir u gudbiyeen gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka galmudug Xareed Cali Xareed, inkastoo gudoomiyaha isaga uu ka horyimid arintaasi.