Dhuusamareeb-KNN-Waxaa xalay ilaa iyo saaka Magaalada Dhuusa Mareeeb ee Gobalka galgaduud ka soconayay kulan ay isugu yimaadeen xildhibannada barlamaanka galmudug ,maadaama 89 xildhibaaan ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha barlamaanka galmudug Cali Gacal Casir
Qaar ka mid ah Xidlhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa KNN u sheegay in Xalay Magaalada lagu qabtay Kulamo looga hadlayay sidii laga yeeli lahaa mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.
Saaka ayaa la filayaaa in ay kulan isugu yimaaadaan xildhibaanno ka tirsan barlamaanka galmudug si ay uga doodaan mooshinka ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir