Uncategorized

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Hindiya

Muqdisho–KNN–Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay  xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.

161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u soo gudbisay Heshiiskaan Maanta Golaha Shacabka uu meelmariyay.