Muqdisho–KNN– Maanta waxaa ku Shiray Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho Xildhibanada Golaha Shacabka ,waxaana ay Dood dheer ka yeesheen Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Dowladda Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Go’aanka Xukumadda,waxaana Xildhibaanadii is Qoray ee Jesdiyay Dooda ay sheegeen in Qaabka ay Xukumaddu u martay Arrinta Qalbi-dhagax ay aheyd mid Mugdi ku jiro.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaba gabadii markii dooda dhamaatay waxaa uu ku dhawaaqay in arrintan ay guddi u saareen, isla markaana Guddiga marka uu arrintan ka soo tala bixiyo natiijada loo soo gudbinayo Xildhibaanada
Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.