Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Eedeyn u jeediyay Xukuumada.

Muqdisho-KNN-Kulan ay maanta yeesheen  Xildhibaanada Golaha  shacabka, Islamarkaana uu shir Gudoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Ayaa Waxaa  ay aad ugu  hadleen kulankooda  Xaalada amaanka ee xiligan uu marayo dalka.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaano tiradooda gaaraya 168-mudane, iyadoona mudanayaasha ay dood adag ka yeesheen amaanka dalka,waxaa ayna sheegeen in amaan daro ay ka jira dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada qaar  ayaa waxaa ay xukuumada Soomaaliya ku Eedeeyeen in ay wax ka qaban weysay  amaan darada ka jirta Magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha ayaa soo hadal qaaday Weerar dhawaan shabaab ay ka fuliyeen degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir.

Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Xasan Idiris, Caashi koos,xildhibaan Axmed Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa Si cad ah u sheegay  in xukuumada Soomaaliya ay ku fashilan tahay Amaanka Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha Amaanka dalka ayay sheegeen in muhiim ay tahay in xiligan lala xisaabtamo, si wax badan looga weydiiyo sababta keentay in Magaalada ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo ay ka geystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Xildhibaanada  ayaa R/Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre waxaa ay ka dalbadeen inuu iscasilo.

Ugu Dambeyn kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu balamay in Berri halkaasi laga sii wado dooda ku saabsan Amaanka Dalka.