Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya amniga Dalka

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka April 2019, ayaa ah ka doodista amniga Dalka oo muddooyinkii la soo dhaafay amnigiisu liitay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Sabtidii la soo dhaafay sidaani oo kale kulan  su’aallo waydiin ah ka yeeshay xaalada amniga dalka, ayagoo doonayay in su’aalahaasi ay waydiiyaan Mas’uuliyiinta amniga u qaabilsan  dowladda Soomaaliya, hayeeshee kulankaas ayaa waxa uu isku badalay buuq hareeyay Golaha Shacabka kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada ay diideen in Kulanka si toos ah ay warbaahinta u tabiso,halka qaar kalena ay ogaaleen.

Maanta ayaa la filayaa in Xildhibaanadu kaligood ay ka doodaan xaalada amni ee dalka sidoo kalana ay warbaahintu goobjoog ka ahaan doonto, halka maalinta nasoo aadan ee barri lagu balansanyahay in mas’uuliyiinta amniga ay hor tagi doonaan Xildhibaanada  golaha Shacabka si loo weydiiyo su’aallo ku saabsan xaaladaha amni ee Dalka.