Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya sharci muhiim u ah dalka

Muqdisho-KNN-Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya maanta sharciga jaangoynta iyo taya dhowrka, kaddib markii ay yeeshaan mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Sharcigaan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya, waxuuna wasiirka wasaaradaas horay u sheegay in waxyaabo badan oo dalka lasoo galiyo uu wax badan ka bedeli doonto sharcigaan markii la dhaqan geliyo.

Waxa uuna intaa ku daray wasiirka gaancsiga Cabdullahi Cali Xasan in dalka ay soo galaan agabyo iyo cunnooyin dhaafay waqtigii loogu talagalay ayna saameynayaan shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo u baahan wax ka qabasho.

Sharcigaan ayaa lagu sheegay inuu kamid yahay shuruucda muhiimka u ah dalka , maadaama badeecadaha iyo agabyada laga soo dejiyo dekadaha dalka iyo garoomada uu kala xadeynayo.