Somali News

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxaa ay kulan ku leeyiheen Magalada Muqdisho.

Ajendaha  kulanka Maanta ayaa ah Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Badroolka, kaas oo horay Xildhibaannada Golaha Shacabka u soo marsiiyeen Akhrinta Koowaad,waxaana kulanka Baarlamaanka Goobjoog ka noqon doona mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa loo diray fariin loogu wargelinayay in ay soo xaadiraan kulanka golaha shacabka ee Baarlamaanka oo maanta ay yeelanayaan, maadaama maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wixii ku soo kordha la soco.