Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka  maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa hindise sharciyeedka Batroolka dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa Isniintii la soo dhaafay u baaqday kooram la’aan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa digniin u diray xildhibaanada aan ka soo qeybgalin kulamada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.