Somali News

Xildhibaanada golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

Muqidisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka Maanta ee xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda.

Waxaana la filayaa in kulanka ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda  Soomaaliya.

Maalintii Isniinta ayay aheyd makrii Xildhibaanada golaha shacabka ay Akrinta koowaad marsiiyeen xeerka wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa waxaa loo qeybiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa.

Amaanka xarunta golaha shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka soo gala xarunta la soo dhigay ciidamo aad u fara badan.