Somali News

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan  Magaalada Muqdisho, iyagoona  yeelanaya kulankoodii 14aad ee caadiga ahaa kaas oo ka qabsoomi doona Xarunta Golaha Shacabka.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah  Akhrinta 3-aad ee Wax ka Badalka Sharciga Saxaafadda,kaas oo ay ku jiraan sida la sheegay qodobo badan oo muran uu ka taagan yahay,isla markaana u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

Amaanka wadooyinka soo gala ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya la soo dhigay Wadooyinkaasi.

Sharciga Saxaafada ayaa marxalado kala duwan soo maray, lama oga in ay xildhibaanada Golaha shacabka ay ansixin doonaan sharcigaasi.