Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho.

Muqdisho-KNN– Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Isniintii la soo dhaafay ayay aheyd markii dood dheer ay xildhibaanada  ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka.

Amaanka xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona Wadooyinka soo gala lagu arkayo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.