Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Villa Hargeysa

Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan leh Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, xili la soo gabagabeeyay doorashada guddoonka golahaas 28-kii bishaan April.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulan ay yeelanayaan.

Sidoo kale, guddoonka KMG ah ayaa sheegay in kulanka ajendihiis yahay Xil wareejinta Guddoonk  iyo Hadal jeedinta Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso farriinta:

Xildhibaanadda Golaha shacabka ayaa maalinto berito ah yeelanaayo kulan
Shacabka.

Agendaha

• Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka.

• Hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad

• Hadal jeedinta Guddoomiyaha  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad

Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa  Hargeisa