Uncategorized

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, waxa uuna kulankaan uu ka yimid yahay kulamada Caadiga ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ah Akhrinta koobaad ee heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya, Akhrinta koobaad Hindise Sharciyeedka Caafimaadka iyo Warbixinta Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacaka ayaa KNN u xaqiijiyay kulanka Xildhibaanada Soomaaliya.