Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.

Kalfadhiga Golaha Shacabka ayaa Maanta waxaa Shir Gudoomin doono Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Amaanka Wadooyinka Soo gala Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinkaasi lagu arkayo ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.