Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan kala fadhigooda Shanaad  kulankiisa 13-aad.

Ajendaha kulanka maanta ayaa lagu sheegay  labo qodob oo kala ah.
1. Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dakhliga dalka.
2. Akhrinta Seddaxaad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay Cod u qaadaan sharciga Batroolka oo khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda uu ka taagan yahay.