Somali News

Xildhibaanada golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Muqdisho-KNN-Maanta ayay dood adag ka yeela doonaan Xildhibanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ajendooyin ay ka mid yihiin

U codeynta heshiiska caalamiga ah ee naafada iyo Akhrinta labaad wax ka bedelka sharciga Saxaafadda.

Labadaan sharci ayaa waxaa soo diyaariyay wasaaradaha kala ah warfaafinta iyo haweeenka iyo xuquuqul Insaanka.

Heshiiska caalamiga ah ee naafada ayaa maanta ay meel marinayaan Xildhibaanadu waa hadii ay ku qancaan, halka aqrinta labaad ay marsiinayaan wax ka bedelka sharciga Saxaafadda kaasi oo suurta gal ah in dood xasaasi ah ay ka dhalato.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa laga hor aqrin doonaa warbixinta Khasaarooyinka loo geystey qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee ka howlagala dalka.

Horay waxaa u amray in warbixin laga soo diyaariyo khasaaraha loo geystay shirkadahaas isgaarsiineyd Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed mursal Sheikh Cabdiraxmaan.

Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer waxa ay burburiyeen xarumo is gaarsiin oo kahowlgala gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.