Uncategorized

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Muqdisho-KNN-Sharcigaan iibka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta aqrinta koowaad waxaa marsiinaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib kulan ay maanta yeelanayaan.

Xildhibaannada ayaa sharcigaan oo loo sheegay inuu muhiim u yahay sharuucda dalka iyo hormarintiisa islamarkaana goor hore loo qeybiyay maantana ay faaqidi doonaan faaiidooyinka uu leeyahay iyo waxyaabaha ay ku darrayaan ama ay ka dhimmayaan.

Intaa kaddib ayaa Xildhibannadu waxa ay u diri doonaan sharcigaan Guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay uga soo talabixiyaan.

Muddooyinkii danbe  Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa waxa ay meel mariyeen sharuuc dhowr ah kuwaas oo qaar ka mid ah uu haatan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya halka qaar kalana ay horyaalaan Madaxweynaha Soomaaliya si uu u saxiixo intaa kaddibna loogu soo saaro faafinta rasmiga ah.