Muqdisho–KNN– Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay Maanta Cod u qaadi doonaan Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista Dalalka Soomaaliya iyo India.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan Maalmahaan aan kulan yeelan,waxaana Kulankii ugu dambeeyay uu ahaa mid u baaqday Kooram la’aan,islamarkaana wixii ka dambeeyay aysan kulan yeelan.
Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay si weyn loo adkeeyay,waxaana Ammaanka Xarunta sugaya Ciidamada Booliska Soomaaliya kuwooda Ilaaliya Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.