Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Goloaha Shacbka ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan Muqdisho.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ah aqrinta labaad ee sharciga ganacsiga oo ay kol hore soo gudbisay Wasaarada Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya,
Waxaana lagu wadaa in
Gudiga ganacsiga Golaha Shacabka ay Xildhibaanada ka hor aqriyaan hindisaha
Sharcigaas.
Waxaa sidoo kale kulanka su’aalo lagu
waydiin doonaa xubno ka tirsan isla Guddiga ganacsiga, iyadoo wax laga waydii
doono hanaanka ganacsi oo ay Wasaarada Ganacsigu ula fal gasho badeecooyin
gudaha dalka iyo dibadiisa.
Kulankaan kii ka horeeyay ayaa ubaaqday kooran la,aan iyadoona Ajandaha maanta horyaala Xildhibaanada lagu balansanaa in la hor geeyo maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.