Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Markale ka doodaya Amaanka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Waxaa maalintii labaad Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodan Xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Qaar ayaa Shalay Waxaa ay eedeyn u jeediyeen xukuumada Soomaaliya, islamarkaana waxaa ay ku eedeeyeen in ay ku fashilan tahay sugitaanka amaanka Magaalada Muqdisho.

Eedeynta ay jeediyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili Maalmo ka hor  xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho.