Somali News

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u yeeray R/Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Kulanka Golaha shacabka ee Baralamaanka Soomaaliya ayaa maanta galay maalinti labaad oo ay xildhibaanada kaga doodaan xaaladda amaan  ee dalka.

Xildhibaanad ayaa  xukumadda ku eedeyay in ay ku fashilantay wax ka qabashada xalaada amaan ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka .

Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Nuur  oo ka mid ah xildhibanada ka hadlay kulanka ayaa sheegay In ay muhiim tahay in loo yeero R/Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,  Wasiirada amniga iyo gaaashaan dhigga  iyo Taliyaasha Ciidanka, si wax looga weydiiyo  Amaan darada ka jirta dalka.