Uncategorized

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo goor-dhaw ku soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ayaa loogu yeeray 3 Wasiir oo ka tirsan Xukumadda Ra’iisal Wasaare Kheyrre kuwaas oo laga doonayo in ay hor yimaadaan kulankooda ugu soo horeeyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gaba-gabada kulanka sheegay in maalinta Sabtida ee Todobaadka soo socda Xarunta golaha Shacabka looga bahanyahay Wasiirka Warfaafinta Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Fowsiyo Abiikar Nuur.

Goluhu waxa ay sheegeen in la weydiin doono su’aalo ku saabsan shaqadooda hadii ay imaan waayana ay Golaha Shacabka Sharciga la tiigsan doonaan.