Muqdisho-KNN-Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim ka mid ah baarlamaanka Hirshabellle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa shegay in ay u yeereen Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Waxaana la sheegay in wax laga weydiin doono xaalada Amni ee deegaanada maamulkaasi iyo sababta keentay inuu wax ka qaban waayo balan qaadyadii uu sameeyay madaxweyne Waare.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu tilmaamay in ay la xisaabtami doonaan Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare,iyadoona haatan uu jooga madaxweynaha magaalada Muqdisho.