KNN-Dhuusamreeb-Wararka ka imaanaya magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gal-mudug ayaa sheegaya in xildhibaano kulan manta ku yeeshay dhuusamareeb ay sheegeyn in ay doorteen guddomiyaha baarlamanka Gal-mudug oo dhawaan ay xilkii ka qaadeyn xildhibaano jooga dhuusamareeb.
Xildhibaanda wax doortay ayaa tiraduudu waxaa ay aheed 137 mudane,doorashadana waxaa ku tartamay ilaa 3 mushaarax oo kale ah:-
1-musharax Cusmaan Cabdi Axmed waxaa uu helay codadkii la dhiibtay 93 cod
2-musharax Aadan Xasan Gardheere ayaa helay 37 cod
3-Salaad Axmed Caynte oo kamid ahaa musharaxiinta tartantay waxaa uu helayo 5 cod,iyadoona ay halaabeyn codadkii la dhiibtay 2 kamid ah sida u shegay Guddomiyaha Guddiga doorashada guddomiyaha baarlamanka Gal-mudug Siyaad Xaashi,waxaase sidaasi xildhibaanada jooga dhuusamareeb ay ku sheegeyn in guddomiyaha baarlamanka gal-mudug ay u doorteyn Cusmaan Cabdi Axmed helay codadkii ugu badnaa 93 cod.


