Uncategorized

Xildhibaanada ka soo jeeda Sh/Hoose oo bilaabay xal u raadinta dhibaatooyinka amni ee gobalkaasi.

Muqdisho-KNN-waxaa magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ka bilaawday shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya Xildhibaano, siyaasiin iyo aqoon-yahaano ka soo jeeda gobalka Shabeelaha Hoose kuwaas oo raadinaya xal dhab ah oo laga gaaro dhibaatada ku raagtay shabeelaha Hoose.

kulamadaan oo ka qabsoomay Muqdisho ayaa dadkii ka qayb galay waxay isku soo hadal qaadayn in marka ugu horeyso taageero la weydiiyo Dowladda Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed si waan waan loo dhax dhigo beelo muddo dheer ku dagaalamayay gobalka iyo xalinta Isbaarooyin tira beelay oo gobalka Caan ka noqday.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xubnaha kulanka ka qayb galay islamarkaana la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay ka sii dartay dhibaatada Shabeelaha Hoose dadka ku noolna ay wajahayaan dhibaatooyin isugu jiro amni darro, maamul xumo iyo siyaasad aan fadhin Dowladda dhexe iyo koofur Galbeedna ay ilaaween daruufaha gobalka ka jira.

Muddo ka badan 5 sano Shabeelaha Hoose waxaa ku dagaalamaya maleesho ka soo jeeda dadka daga gobalkaasi, magaalooyinka qaar la isagama gudbo waxayna u kala xiran tahay maleeshiaydii dagaalantay, kufsiga ayaa gobalka joogto ka noqday waxaana inta badan geesta Maleeshiyada dagaalamaysa, isbaarooyinka yaala shabeelaha Hoose ayaa tira beelay, intaas oo dhan waxaa u dheer dagaalada iyo dilalka ay shabaab ka fuliyaan.