Uncategorized

Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka oo ka hadlay go’aanada is diidan ee ka soo baxay gudoonka G/Shacabka.

Muqdisho-KNN-Xilli khilaaf ba’an uu hareeyay shaqadii Xubnaha Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana go’aano is diidan ka soo kala baxay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka iyo ku xigeenka 2 aad, Gudoomiyahana uu ka yaalo mooshin ayaa Go’aanadi shalay ka soo baxay Ku xigeenada Gudoomiyaha waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Xildhibaan Dr Cabdi Cali Xasan ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiye ku xigeenka 1aad  warqadda uu soo saaray ee mudeynta kulanka Golaha iyo sidoo kale shaacinta ajandaha tahay  mid loo maray wado sax ah,islamarkaana ay taageersan yihiin go’aankaasi.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdi xakiin Macalin Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Gudoomiye ku xigeenka 1aad uu sharci daro u soo saaray Waqtiga laga doodayo Mooshinka laga keenay gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa ay midaan muujineysa in khilaafka u dhaxeya xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya , uu saameeyn ku yeelato kulamada ay iskugu imaan lahaayeen xildhibaanada hadii uu xaalka sidan ku sii socdo.