Uncategorized

Xildhibaanada K/Galbeed oo codka Kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Baydhabo-KNN-Wasiiradii dhawaan uu isku shaandheeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta la horgeeyay Baarlamaanka Maamulkaasi oo ku shirsanaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta G/Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaanka in ay codka kalsoonida ah ay siiyan Wasiirada, si ay u qabtaan adeegyada ay Bulshada ka sugayaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod aqlabiayd leh  ku  ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib codsigii Madaxweynaha.

Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Wasiirada ayaa looga fadhiyaa shaqo oo ay ugu horeyso sida uu sheegay madaxweyne Shariif Xasan amaanka deegaanada maamulkaasi gaar ahaan Marka iyo in la sameeyo canshuur mideysan.