Somali News

Xildhibaanada labada aqal oo saakay kulan deg deg ah ku yeelanaya Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay kulan deg deg ah ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa uu yahay hadal jeedinta Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xalay loo diray faarimo ku aadan in uu jiro kulanka deg deg ah,isla markaana Xildhibaanada laga doonayo in ay ka soo qeyb galaan kulankaasi, maadaama uu muhiim yahay.

Kulankan labada gole ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka dhici doono xarunta dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Amaanka wadooyinka soo gala xarunta uu kulanka ka dhacayo ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.